Gudoomiyihii xilka laga tuuray ee Puntland oo ka hor yimid mooshinka xilka looga qaaday

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa sheegay in aysan “sharci ahayn” codkii maanta Baarlamanka ee xilka looga xayuubiyay.

Gudoomiyaha oo la hadlay BBC Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in uu wali yahay Gudoomiyaha Sharciga ah ee baarlamaanka Puntland.

“Waxaanu leenahay nidhaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yiri Dhoobo.

Xildhibanaada Barlamaanka Puntland ayaa saaka u codeeyay “xilka ka qaadista” Guddoomiyaha Barlamaanka, Cabdixakiin Maxamed Axmed, waxaana xil ka qaadistiisa u codeesay 49 mudane, halka 4 xildhibaanna ay ka aamustay.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntalnd Abuukaate Cabdicasiis ayaa kudhawaaqay in sidaas xilka looga qaaday gudoomiyihii Baarlamanka Puntland oo aanan ka soo qeybgalin kulankaas xilka looga “xayuubiyay”.

Soo jeedinta xil ka qaadista oo “xalay la gudbiyay” waxaa ku saxiixnaa 44 xildhibaan, sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Puntland.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.