Madasha Xisbiyada Qaran oo soo saartay mabaadii’da aas-aaska u ah

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midoobeen xisbiyada kala ah UPD, Horusocod, Nabadda, Kulan, Ilays iyo Himilo Qaran ayaa soo saaray Mabaadii’da siyaasadeed ee Madasha ay ku mideysanyihiin lixdaas xisbi siyaasadeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed.

War-saxaafadeed ka soo baxay madasha oo ka kooban 8 qodob ayaa looga hadlay arimaha kala ah:

  1. Midnimada Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed

Sarreynta Dastuurka & Dhammeystirkiisa

Ilaalinta Xuquuqda Asaasiga ah iyo Xorriyadda Muwaadinka

Siyaasadda Loo Dhan Yahay Loona Siman Yahay

Arimaha Doorashooyinka 2020/2021

Ilaalinta Nidaamka Federaalka

Arimaha Amniga

Maamulka iyo Matalaada Gobolka Banaadir.

Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka Madasha:

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midoobeen 6 xisbi siyaasadeed oo ah tallaabo hore-u-socod oo loo qaaday dhanka dimoqraadiyeynta hannaanka siyaasadeed ee dalka iyo ilaalinta midnimadda, madaxabanaanidda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Sida ku cad Qod.3aad (3) ee Dastuurka KMG ah, Madasha Xisbiyada Qaran waxay u taagan tahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, talinta iyo sarreynta sharciga, caddaalad bulsho iyo mid siyaasadeed oo ku dhisan Dastuurka iyo xeerarka Dalka. Kala-madaxbanaanidda awoodaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorka oo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan.

Sida uu xeerinayo Qod.11aad (1) ee Dastuurka KMG ah, Madashu waxay aaminsan tahay in muwaaddiniinta Soomaaliyeed oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, xaalad bulsho, aragti siyaasadeed, hayb, baahiyaha gaarka ah, xirfad, af-guri, xuquuqda iyo waajibaadkaba ay u siman yihiin sharciga hortiisa.

Sidaas daraadeed, maadaama ay jiraan dhacdooyin iyo xaalado soo noqnoqday oo muujinaya in laanta fulinta ee dowladdu ay baalmartay mabaadiida aasaasiga ah ee dastuurka iyo sarreynta sharciga, taas oo halis gelinaysa geeddi-socodka dowladnimo loo dhan yahay. Sidaas daraaddeed Madashu waxay soo jeedineysaa arimaha hoose:

Midnimada Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed

Midnimada Dalka iyo wadajirka Dadka Soomaaliyeed waa lama taabtaan lamana kala qeybin karo. Madashu waxay ka shaqayneysaa ilaalinta iyo dhiirrigelinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed isla markaasna waxay ku baaqaysaa Dowladda Federaalka ah in ay ka dhabeyso wada-hadalka walaalaheen Somaliland si waafaqsan qodobbada dastuuriga ah.

Sarreynta Dastuurka & Dhammeystirkiisa

Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran:

UPD, Horusocod, Nabadda, Kulan, Ilays iyo Himilo Qaran

Madashu waxay aaminsantahay Dastuurka KMG inuu yahay midka ay Sooomalidu ku heshiisey la iskuna raacsanyahay oo dhaqan galka ah kaas oo ay ku dhisan yihiin dhammaan hey’ adaha Dastuuriga ah, sidaa daraaddeed Laanta Fulinta waxaa waajib ku ah ku dhaqankiisa, dhowristiisa iyo dhammaystirkiisa.

Madashu waxay ku dhaliileysaa Laanta Fulinta ku xadgudubka bareerka ah ee ku dhaqanka dastuurka ee soo noqnoqday, taas oo shaki galinaysa inaan Laanta Fulintu aaminsan tahay Dastuurka iyo shuruucda Dalaka u yaalla.

Madashu waxay diyaar u tahay inay ka qaadato kaalin mug leh sidii loo dhammeystiri lahaa Dastuurka KMG ah kaas oo suurtagelinaya isku haynta Ummadda Soomaaliyeed.

Ilaalinta Xuquuqda Asaasiga ah iyo Xorriyadda Muwaadinka

Madashu waxay u taagan tahay dhowrista iyo ilaalinta xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadda muwaadinka, waxayna kasoo horjeeddaa ku tagri-falka awoodda Dowladda iyo cabburinta muwaadinka.

Madashu waxay aaminsantahay in la ilaaliyo muwaadin kastaa xuquuqdiisa aasaasiga ah ee Dastuurku tilmaamey. kuwaas oo ay kamid yihiin ku biiridda iyo abaabulka ururro ama xisbiyo siyaasadeed, soo bandhigista ra`yiga, xurriyadda hadalka, saxaafadda, hal-abuurka, cilmi baarista, kaqeyb galka kulamo ama banaanbaxyo nabadeed, iyo xurriyadda dhaqdhaqaaqa.

Madashu waxay diidantahay falalkii gaboodfalka ahaa ee ay ku kacdey dowladdu mudadii ay jirtey. Hadaba, si looga hortago soo noqnoqashada ku xadgudubka xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed, waxay Madashu difaaceysa xuquuqda muwaaddinka iyo dhawrista xurriyadda asaasiga ah si waafaqsan Dastuurka.

Siyaasadda Loo Dhan Yahay Loona Siman Yahay:

Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran:

 

UPD, Horusocod, Nabadda, Kulan, Ilays iyo Himilo Qaran

Sida ku cad Qod.1aad(1) ee Dastuurka KMG ah, dowladnimada Dalka waxay ku dhisan tahay Nidaam Federaal oo Dimuquraadi ah kana kooban labo heer dowladeed si waafaqsan Qod.48aad, Qod.50aad, Qod.51aad, iyo Qod.120aad ee Dastuurka KMG ah oo ku qaabeysan Nidaamka Xisbiyada badan si waafaqsan Qod.47aad ee Dastuurka KMG ah iyo Sharci Lr.19 Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Dalka ee soo baxay 27 Juun 2016.

Madasha oo ka ambaqaadeysa qodobbada dastuuriga ah ee kor ku xusan ayaa waxa ay adkeyneysaa in siyaasadda loo dhan yahay loona siman yahay & suurtogelinta dooroshooyinka 2020/2021 ay tahay mas’uuliyad wadareed ay ka wada xaajoonayaan dhammaan Dowladda Dhexe, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Xisbiyada Siyaasadda, iyo Bulshada Rayidka kuwaas oo dhammaan udub dhexaad u ah qabsoomidda dooroshooyin Qaran oo leh hannaan hirgelin daahfuran si aqbalaadda natiijada dooroshinka ay u noqoto meelmar loogana fogaado qalalaase siyaasadeed.

Sidoo kale, si doorasho wadar-oggol ah u suurtogasho, waxay Madashu ku baraarujinaysaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka in uu ka madaxbannaanaado xukuumadda iyo xakamaynteeda siyaasadeed kuna shaqeeyo ilaalinta dimoqraaddiyadda iyo daahfurnaanta sida ku cad Qod.110aad, Qod.111G, ee Dastuurka KMG ah.

Madashu waxay aaminsantahay wada-shaqeyn iyo iskaashi dhab ah oo ay yeeshaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loo xaqiijiyo siyaasad loo dhan yahay loona siman yahay isla markaasna suurtogelisa dooroshooyin daahfuran.

Arimaha Doorashooyinka 2020/2021

Marka la eego sooyaalka siyaasadeed ee Dalka, 20kii sano ee lasoo dhaafey dooroshooyinku waxay ku qabsoomi jireen wakhtiga loogu talogalay, iyadoo awoodda dowladeedna la iskugu wareejin jiray si sharci ah oo dimoqraaddi ah oo nabadgelyo ku dhisan. Dhaqankaas siyaasadeed wuxuu gundhig u yahay hana-qaadka dimoqraaddiyadda dowlanimada Soomaaliya.

Hadaba si loo joogteeyo dhaaqankaas wanaagsan, waa in dooroshooyinka Qaranku ay ku qabsoomaan wakhtiga uu Dastuurku u asteeyay si aan dib-udhac laheyn, waana in ay noqdaan kuwa daahfuran oo taladeeda laga wada qeyb galo.

Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran:

UPD, Horusocod, Nabadda, Kulan, Ilays iyo Himilo Qaran

Sidaas darteed, Madashu waxay cadeyneysaa in aysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dastuuriga ee hada jira iyo isku dey kasta oo loogu gogol xaaraayo mudo kordhin ama hab-raac doorasho oo keeni kara boob iyo ku shubasho taas oo horseedi karta burbur ku yimaada Dowladnimadeena curdunka ah

 

Ilaalinta Nidaamka Federaalka

Sida ku uu qabo Qod.3aad (4) ee Dastuurka KMG ah, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan tahay mabaadii’da asaasiga ah ee awood qaybsiga Nidaamka Federaalka. Nidaamkan Federaalka wuxuu u baahan yahay in si dhab loogu dhaqmo lana ilaaliyo mabaadii’da dastuuriga oo ay ka mid yihiin: Wada-shaqeyn ku dhisan iskaashi iyo talo-wadaag sida ay tilmaamayaanQod.50aad, Qod.51aad, Qod.52aad, Qod.53aad iyo Qod.120aad ee Dastuurka KMG ah.

Sidaas darteed Madashu waxay xoojineysaa nidaamka federaalka iyo mabaadii’da dastuuriga ah ee wada shaqeynta labada heer ee dowladnimada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Hadaba si ay u guuleysato wadashaqeynta labada heer ee dowladnimo waa in lasoo saaro heshiisyo iyo go’aanno siyaasadeed kuwaas oo hagaya siyaasadda loo dhan yahay ee Dalka isla markaasna tixraac u noqonaysa arrimaha soo socda oo dhammaantood mudnaan iyo horu-tebin u leh waqtiga ka harsan muddo xileedka hey`adaha dastuuriga ah ee hadda jira.

Hagaajinta Xiriirka Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe

Dhameystirka Dastuurka

Hannaanka Doorashooyinka 2020/2021

Dib-u-habaynta iyo Federaalaynta Nidaamka Garsoorka Dalka

Kala wareegidda mas’uuliyadda Amni Ciidamada AMISOM iyo Sugidda amniga Dalka

Arimaha Amniga:

Sida ku cad Qod.126aad iyo Qod.127aad ee Dastuurka KMG ah ciidamada qalabka sida waa in ay ka madax banaanaadaan arimaha siyaasadda, una istaagaan la dagaalanka Argagixsada iyo sugida amniga guud ee dalka, ilaalinta iyo bedbaadinta Shacabka.

 

Madashu waxay kasoo horjeedaa in ciidanka amaanka loo isticmaalo arimaha ay kamid yihiin:

Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran:

UPD, Horusocod, Nabadda, Kulan, Ilays iyo Himilo Qaran

Caburinta siyaasiyiinta iyo soo oodida saaxada siyaasadeed

Cadaadinta iyo caburinta saxafiyiinta iyo warbaahinta madaxbanaan

Xayiraada iyo ciriirinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka bulshada

Xariga muwaadiniinta iyo ku heynta xabsiyadda ee aan loo marin habraac sharci

Joojinta hanaanka guracan ee qorista ciidamada qalabka sida ee hada socda ee kasoo horjeeda hab-raaca dowladnimo ee ciidameynta.

Maamulka iyo Matalaada Gobolka Banaadir:

Madashu waxay garwaaqsantahay in uu Gobolka Banaadir yahay xarunta caasimada u ah Qarankeena, taas oo hoy u ah dhamaan xarumihii hey`adaha dastuuriga ah ee dalkeenu, waxayna bogaadineysaa ugana mahadcelineysaa shacabka Gobolka Banaadir kaalinta ay kuleeyihin dib-udhiska dowladnimada iyo bixinta canshuurta taasoo ah isha keli ah ee kasoo xeroodo dakhliga dowlada federalka marka laga reebo kaalmada beesha caalamka.

Madashu waxay cambaaraynaysaa kana xuntahay xadgudubyada joogtada ee loo geysto xuquuqda muwaadiniinta ku dhaqan Gobolka Banaadir kuwaas oo dhibaato ba’an kala kulma xirnaanshaha waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada taas oo hoos udhac weyn u geysatey dhaqaalaha Gobolka sidoo kale dadka kunool caasimadda Soomaaliya iyagoo latacaalaayo dhibaatooyinka ay ugeystaan argagixsada waxaaana udheer dhibaatooyin Amni iyo dilalka qorsheysan.

Madashu waxay aaminsatahay caasimadda Somaaliya in ay ku dulmantahay matalaada siyaasadeed sida dhismaha golaha deegaanka, kaqeybgalka Aqalka Sare sida uu tilmaamaayo Qod.72aad.

Dhammaad:

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.