Mareykanka oo baaq u diray DF, Xisbiyada mucaaradka iyo maamul Goboleedyada

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay  xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya,waxa ayna Dowlada Soomaaliya iyo dhinacyada Siyaasada ku boorisay in ay kawada shaqeeyeen Xasiloonida dalkaan.

War saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ku boorineyso dhammaan dhinacyada Soomaalida in ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin siyaasadeed.

“Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo maraya wadahadal nabadeed”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya lagu sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyada muhiimka ah, ee Amniga,dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan in ay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Warka soo baxay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa imaanaya iyada oo ay siyaasada Soomaaliya bilahaan dambe kacsaneed marka la eego Khilaafka Dowladda Dhexe iyo qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada iyo Xisbiyada siyaasada dalka ee aragtida duwan Dowlada Soomaaliya.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.