Askari katirsan ciidanka dowladda oo meel u dhaw xeebta Liido ku dilay wiil Mooto Bajaajle ah

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho ku toogtay  wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.

Wiilka oo xalay la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ismaaciil Maxamed Saciid, waxaana gacanta ku dhigay Askarigii dilka geystay Ciidanka Booliska degmada Cabdicasiis gaar ahaan Kontoroolka xeebta Liido.

Wiilka oo xabada ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa ayaa isla goobta ku geeriyooday Sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka oo goobta ku sugnaa.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay wiilka la dilay iyo askariga kahor inta uusan falka dhicin inuu dhexmaray muran, intaasi kadibna ay xigtay in askariga uu toogto wiilka.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan shacabka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo Qoryaha ay wataan ku dhibaateeya shacabka.

Mogadishu-Somalia

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.