Itoobiya oo ku adkeysaneysa dhismaha Biyo xireenka Nile

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia  Gedu Andargachew ayaa mar kale ku celiyey mawqifka sugan ee dalkiisu ka taagan yahay in si caddaalad ah loo adeegsado biyaha wabiga Nile.

Waxa wasiirku sheegay in dalkiisu sii wadayo dhammaystirka dhismaha biyo-xidheenka loogu magac daray dib u curashada.

Wasiirka ayaa waxa uu intaas ku daray in shirkii saddex geesoodka ahaa ee lagu qabtay Washington ee dhex maray wasiirrada arrimaha dibedda taliska Masar, Sudan iyo Ethiopia ee uu kaas martigaliyay mareykanka uu faa’iido u ahaa in laga saaro meesha waxa uu ku tilmaamay jahowareerka.

Waxa xilli uu ka hadlaylay go’aanka dalkiisa uu yidhi”Waxaan sii wadaynaa dhameystirka biyo-xidheenka dib-u-curashada taas oo qayb ka ah aragtida dalkeenna ee ku salaysan biyo-xidheenka ugu weyn Afrika si looga dhaliyo tamar,”.

Waxa uu intaas ku daray in Addis Ababa ay caddeysay xuquuqdeeda adeegsiga caddaaladda ah ee biyaha Nile ka intii lagu gudo jiray kulammada, kuwaas oo ay qayb ka ahaayeen wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar iyo Sudan, isagoo carrabka ku adkeeyay in wixii khilaaf ah lagu xalin doono iyadoo lagala tashanayo guddiga farsamada.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.