Puntland:- Majirto Ciidamo laga qoray Mudug oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay  ciidamo ka qoratay degaanno ka tirsan gobolkaasi Mudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in warkaasi ay faafiyeen dad lacag ka raadinaya Dowladda Faderaalka Soomaaliya, balse sida uu sheegay ay ku fashilmeen, maadaama aysan soo bandhigin ciidan iyo hub la wareejiyay midna sida uu hadlka u dhigay.

“Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug.

Wuxuu intaasi raaciyay  in aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in wixii heer Federaal ee looga baahdo gobolka Mudug ay tahay in loo soo maro Madaxtooyada Puntland.

“Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda Federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka Federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah” ayuu hadalkiisa Raaciyay.

Dhinaca kale, dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay in aysan aaminsaneyn nidaamka Federaalka ee lagu doortay, taasi beddelkeedana ay door-bidayso in dalka loo maamulo nidaam tuulo-tuulo iyo degmo-degmo ah sida uu sheegay.

Wararkaan ayaa daba socda warar Maalmihii la soo dhaafay lagu baahiyay Baraha Bulshada oo sheegayay in dowlada Soomaaliya ay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ay Ciidamo ka qoratay.

 

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.