Al-Shabaab oo ka baxay deegaano ka tirsan Mudug

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay isaga baxeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka mudug,halkaasi oo ay ku sugnaayeen dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa Warbaahinta Dowladda  u sheegay in Shabaab ay isaga baxeen deegaannada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mareykanak ay deegaannadaas duqeymo ka fuliyeen.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen inay wadaan dhankooda dhaq dhaqaaqyo ku saabsan sdiii Al-Shabaab uga saari lahaayeen deegaano iyo degmooyin ay kaga sugan yihiin Koonfurta  Gobolka Mudug.

Si kastaba majirto warar madax bannaan oo xaqiijinaya warkaan kasoo yeeray saraakiisha Ciidamada dowladda ee deegaannada Galmudug oo ku aadan inay Shabaab ka baxeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.