Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Diinsoor

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan goor dhow ka qarxay gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya ay weereen hoyga guddoomiyihii xilka laga qaaday ee magaaladaasi, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Shikshigow).

Wararka ayaa sheegaya inay iska caabin sameynayaan ciidamo daacad u ah guddoomiyaha oo ka horyimid xil ka qaadista lagu sameeyey.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli ka socda qeybo ka mid ah degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Xiisadan ayaa sameyn xoogan ku yeelatay dhaq dhaqaaq guud ee magaaladaasi, iyadoo ay xirmeen goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga degmadaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaasi.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.