Maxkamadda ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday mid kamid ah ragii weeraray mowlacii C.wali Cilmi

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdullahi Cali Aadan oo ka tirsan Al-shabaab sida ay Maxkamaddu sheegtay kaas oo qeyb ka ahaa weerar sanadkii hore lagu qaaday Xarun uu Sheekh C/Wali Cilmi yare ku lahaa Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya  Xasan Cali Nuur SHuute oo dhegeysiga kiiskan u tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday Cabdullahi.

Weerarka Xarunta C/Wali Cali Cilmi yare ayaa waxaa uu dhacay 26kii November 2018,waxaana AL-shabaab oo weerarkaas sheegatay mas’uuliyaddiisa ku doodday in C/Wali Cali Cilmi yare uu nabinimo sheegtay.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in Cabdullahi uu gacantiisa ku dilay mid ka mid ah Ciidamada gaarka ah ee dowladda oo dagaal u tagay intii uu socday weerarka.

Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ku dhawaaqay in xukunka dilka ah ee lagu riday Cabdullahi uu leeyahay racfaan.

Cabdullahi ayey Maxkamadda sheegtay in uu 2014kii ku biiray AL-shabaab kagana biiray Degmada Qansaxdheere.

 

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.