Maydka labo ruux oo laga helay deegaan hootaga Afgooye

Wararka ka imaanaya Gobalka shabeelada hoose gaar ahaan Deegaanka Muuri oo 15-km ujira Degmada Afgooye ayaa sheegaya in halkaas laga helay meydka labo rag ah oo la gowracay.

Dadka la gowracay oo ah labo nin ayaan la ogeeyn cida ka dambeysay gowracooda waxaana dhacdadaan aad looga hadal hayaa Deegaanka Muuri ee Gobalka Shabeelada hoose.

Labada nin oo qoorta laga gooyay ayaa lasoo dhigaya xaafad kamid ah xaafadaha deegaanka Muuri mana jirto cid ka hadashay dhacda’daan xalay ka dhacday Gobalka shabeelada hoose.

Goobjoogayaal ka gaabsaday in Magacooda loo adeegsado warbaahinta ayaa Mustaqbal u sheegay in dhacdadaan tahay mid deegaanka Ugub ku ah ismarkaana aan wali la aasin labada ruux ee Maydkooda laga helay Tuuladaan lagu magacaabo Muuri ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa ay sheegeen in labadaan Ruux ay kamid ahaayeen dadka deegaanka sababta dilkooda ka dambaysana aysan Garanay maadaama Xilli habeen ah uu dilku dhacay sida ay Xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Maamulka Gobalka shabeelada hoose iyo Dowladda Soomaaliya wali kama hadlin dadkaan la sheegay in qoorta looga gooyay deegaanka Muuri oo qiyaastii 15 KM u jira degmada Afgooye ee Gobolka shabeellaha hoose.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.