Ciidamada amniga oo Boosaaso ku xiray Siyaasi dhaliilay Saciid Dani

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay shegayaan in Ciidamada Amniga gobolka Bari ay Xabsiga dhigeen Siyaasiga Dr. Muuse Cali Jaamac oo horay mar Puntland u xirtay.

Siyaasiga iyo Odayaal kale ayaa Jimciii la soo dhaafay waxaa ay dhaliilo kala duwan u jeediyeen xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu hoggaamiyo,waxaana xalay uu ku hoyday Xabsiga Magaalada Boosaaso,sida ay i noo xaqiijiyeen dad ku sugan Boosaaso.

Siyaasi Muuse Cali Jaamac waa markii labaad oo ay xiraan Ciidamada Amniga gobolka Bari,waxaana 13 October ee sannadkan sidaan oo kale  Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, hayeeshee saddex Cisho kadib lagu sii daayey cafis-maxkamadeed.

Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Gobolka Bari ee Xabsiga la dhigay ayaa waxaa ay xukuumadda Madaxweyne Deni ku eedeeyeen in shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso, wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE iyo Maxjarka Xoolaha.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.