Ciidan ka soo goostay Puntland oo la soo bandhigay

Degmada Taleex ee Gobolka Sool wararka laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu soo Bandhigay Ciidamo badan oo la sheegay inay ka soo goosteen Puntland, iyagoona ku biiray dhanka Somaliland.

Ciidamadan oo ku dhawaad gaarayay 150 Askari ah kana tirsanaa Maamulka Puntland ayaa ku biiray Somaliland, kuwaasi oo lagu Munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Wasiirka Warfafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Munaasabadda lagu soo dhaweynayay Ciidanka ka hadlay ayaa waxaa uu sheegayaa in Somaliland ay kusoo biireen Ciidamo badan oo kasoo goostay Puntland, kuwaasi oo ka howlgeli jiray deegaanka God-qaboob ee Gobolka Sool.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.