Degmooyinka Shangaani iyo Waaberi oo loo magacaabay Guddoomiyayaal cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud ayaa magacaabay Guddoomiyayaasha qaar ka mid ah Degmooyinkii ay Guddoomiyayaashooda ku dhinteen Qaraxii 24kii July ka dhacay Xarunta dowladda hoose ee Magaalada Muqdisho.

Cumar Finish ayaa magacaabay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Shangaani iyo Waaberi iyo sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Degmada Waaberi waxaa loo magacaabay Cabdicasiis Cismaan Jaamac., Degmada Shangaani waxaa loo magacaabay Aweys Sheikh Maxamed Amiin.

Waxaa sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada degmada Wadajir loo magacaabay Axmed Maxamud Diiriye.

Duqa Muqdisho Cumar Finish ayaan wali magacaabin Degmada C/Casiis oo is qab qabsi ka taaganyahay cidda Guddoomiyaha ka noqoneysa.

Guddoomiyayaasha Degmooyinka Waaberi, Shangaani iyo C/Casiis ayaa ku dhintay weerarkii ka dhacay xarunta aqalka dowladda hoose ee Muqdisho,waxaa sidoo kale weerarkaas ku dhintay Duqii Muqdisho C/Raxmaan Cumar Cismaan.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.