Askari katirsan ciidanka dowladda oo caawa darawal Mooto Bajaajle ah ku dilay magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Caawa qeybo kamid ah Degmada Hodan ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.

Dilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay agagaagrka Xaruntii Ex-kuliyadii Jaalle Siyaad ee ku taalla Degmada Hadan ee Gobolka Banaadir, isla markaana waxaa dilkaas Darawalka u geystay Askari ka tirsan oo ku sugnaa halkaas.

Dilka loo geestay Darawalka inta uusan dhicin kahor ayaa la sheegay iney wada murmeen Marxuumka iyo Askariga, hayeeshee markii dambe uu rasaas uga dhuftay qeybaha ee Jirka, isagoona goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale Askarigii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta isaga cararay, waxaana xiliga uu falka dhacayay halkaas ka Agdhawaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar qaar dilal loogu geystaa dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta, iyadoona inta badan dilalkaas ay geystaan Askarta ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.