NISA oo soo bandhigtay nin ay sheegtay inuu weerar qorsheynayay

Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo bandhigtay sawirka Nin ay sheegtay in uu qorsheynayay in uu weerar fuliyo.

Nabad Sugidda Soomaaliya ma sheegin magaca Ninka ay qabteen iyo goobta uu qorsheynayay in uu weerarka ka geysto.

Bogga Twitterka ee Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa lagu daabacay qoraal kooban oo lagu sheegay in Ninkaasi uu doonayay in uu geysto weerar isaga oo adeegsanaya Bam-gacmeed hay’adaha amaankana ay gacanta ku dhigeen.

Qoraalka Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa u qoran.

“Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh.”.

NISA ayaa dhowr jeer sidan oo kale baahisay Sawirrada dad ay ku eedeeyeen in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab iyo Daacish,kuwaas oo ay sheegeen in ay ku qabteen howlgallo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho, waxaase yar in maxkamad la soo taago oo la xukumo.

 

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.