Sheekh Shariif iyo wakiilka Qaramada Midoobay oo kawada hadlay doorashada soo socota

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Madasha ayaa kulan la qaatay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee James Swan.

Madaxda Madasha iyo Swan ayaa ka wada hadlay helitaanka doorasho xor iyo xalaal ah oo la isla ogolyahay, wada hadallo dhab ah oo dhexmara saamileyda siyaasadeed oo ay kamid yihiin Maamul Goboleedyada, Xisbiyada, Dowladda, iyo joojinta faro gelinta Ciidanka Ethiopia ee arimaha gudaha Somalia.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dhawaan sidoo kale la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamamota,isaga oo u gudbiyey in marnaba aysan ogoleyn in dowladda hadda jirta waqti ku darsato,diirashada lagu qabto waqtigeeda.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.