Soomaaliya iyo Imaaradka oo kulan wada yeeshay xili xiriirka uusan wanaagsaneyn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Maanta oo Khamiis ah aqalkiisa Muqdisho quraac sharafeed ugu sameeyay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi.

Labada Mas’uul ayaa ka waday intii martisoorka lagu guda-jiray xiriirka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo ka qeybqaadanaya kor u qaadida heerka xiriirka labada dal ee walaalaha ah oo dhinacyo kala duwan leh si loogu dhaqaaqo wax wadaag sal ballaaran leh.

Ilaa hadda majirto natiijo ka soo baxday heshiisiin ay wadeen dowladaha Sacuudiga iyo Itoobiya oo ku aadan in labada dal xiriirkooda caadi loogu soo celiyo.

Soomaaliya ayaa u aragtay Imaaradka cadow iyadoo UAE ay ka xuntahay xiriirka wanaagsan ee Qatar kala dhaxeeya Somalia

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.