Qoys ku dhintay guri uu dumiyay roobab ka da’ay magaalada Hargeysa

Ugu yaraan Afar qof oo isku qoys ah ayaa waxaa ay ku dhinteen Guri ku dumay Magaalada Hargeysa kaddib markii Roob xoog leh ka da’ay Magaalada.

Dadka ku dhintay Guriga ayaa waxaa ay kala haayeen Aabbaha Guriga, Hooyadii iyo laba Carruur ah oo ay dhaleen.

Qoyska oo ka mid ahaa Dadka danyarta ah ayaa waxaa ku dul dhacay Guri Qaddiimi ah oo ku dhawaa Gurigooda oo aqal Soomaali ka sameysnaa sida ay sheegeen Saraakiisha gurmadka u fidiyay.

Ciidanka Dab damiska Somaliland ayaa Guriga ka soo saaray Meydadka afarta qof ee ku dhintay Guriga ku dumay Xaafadda Bir-jeex Hargeysa.

24kii saac ee la soo dhaafay ayuu Roob ka da’ayay Hargeysa kaas oo saameyn ku yeeshay isu socodka Magaalada iyo xaafadaha qaarkood.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa laga digayay Roob dabeylo wata oo ku wahan degaannad Somaliland iyo Puntland kaas oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka da’ay laba Maamul.

Dhinaca Puntland Gobolka Sanaag waxaa ku geeriyooday Qof u dhashay Dalka Yemen oo kalluumeysato ahaa,waxaana la qallibantay Doon uu la socday, 10 qof oo la socotay ayaa dabaal ku tagay Xeebaha Gobolka Sanaag.

Xeebaha Gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug ayaa sidoo kale laga sheegayaa in Duufaanta Bawaan ay dhibaatooyin ka geysatay inkasta oo wali aysan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay.

 

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.