Shacabka Baladweyne oo ka barakacaya Fatahaad hor leh oo Wabiga  sameeyay

Wararka laga helayo Magaalada Baladwyene ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Xaafado ka tirsan Magaaladaas dad ku nool ay bilaabeen inay  barakacaan,kadib  fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle.

Wabiga Shabeelle ayaa markale bilaabey in uu ka fatahao Xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne gaar ahaan  Xaafada Kooshin,waxaana saakay Waaberigii hore roob xoogan uu ka da’ay Magaalada Baladweyne.

Dad ku sugan Baladweyne ayaa waxeey sheegeen in Wabiga uu keenay Biyo farabadan taas oo keentay in Wabiga qeybo kamid ah Xaafadaha Baladweyne uu ku fataho,waxaana dad dhawaan dib ugu soo laabtay ay bilaabeen inay barakacaan.

Dad horay uga barakacay Baladweyne ayaa weli waxaa ay ku sugan yihiin deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Baladweyne,kuwaas oo aan xaafadahooda dib ugu soo laaban casbi ay ka qabaan in markale Wabiga uu ka fataho Baladweyne.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.