Madaxweynaha Hirshabelle oo ka hadlay go’doonka ay Shabaab geliyeen Buulo Barde

Madaxweynaha dawlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa magaalada Bula Burte ee gobolka Hiiraan kuso dhaweeyay wasiirkiisa Arrimaha gudaha, oo maalmahaan ku sugnaa degmadaas.

Magaalada Buulo Burte ayaa Go’doonsan muddo dheer ka dib markii ururka Al-Shabaab ay xireen Wadooyinka soo gala, madaxweyne Waare oo dadka deegaanka kala hadlay arrintaas ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle uu ku fashilmay in uu go’doominta ka qaado Magaalada Buulo burde ee gobolka Hiiraan.

Waare ayaa sababta ku sheegay in maamulka ay soo wajaheen mudadii uu madaxweynaha ka ahaa dhibaatooyin kala duwan, islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka magaalada ka taagan.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Buulo Burte u tagay xal u helida tabashooyin dhaliyay khilaaf ku aadan maamulka Cusub ee loo magacaabey degmadaas.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.