Booliska Turkiga oo Qaxooti Soomaaliyeed gacanta ku dhigay iyagoo Yurub u socda

Muhaajiriin Soomaali ku jirto tiradoodu guud dhamayd 122 qof ayaa la sheegay in lagu qabtay Goballadda Bariga iyo Koofur Bari ee dalkaasi.

Hadal ka soo baxay Hay’adaha Ammaanka ee Turkiga ayaa lagu sheegay in Muhaajirriintaasi lagu soo qabtay Hawlgal laga fuliyey Goballadda Elazig, Faan iyo Kilis ee dalkaasi.

Hawlgalkaasi oo dhacay isbuucan gudihiisa waxaa dadka Muhaajiriinta ee lagu soo qabtay ka soo kala jeedaan dalalka Soomaaliya, Masar, Syria, Iraq, Iran, Libiya, Yemen, Bangaldesh, Gaaboon, Senigaal, South Afrika, Pakistan, Bangaladesh, Burundi, Maali, Kaamiruun iyo Gaaboon.

Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka iyo kuwa Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi waxay sheegeen in ku-dhawaad 2,530 Muhaajiriin ah lagu xiray Turkiga tan iyo isbuiucii la soo dhaafay.

Muhaajiriinta lagu qabtay dalka Turkiga waxay dhamaantooda qorsheynayeen inay ka gudbaan xuduudka Turkiga la wadaago dalalka Giriigga iyo Bulgaariya.

Dhawaan ayay aheed markii Soomaali Muhaajiriin ah la xiray Xuduudka ay wadaan wadama Uganda iyo Kenya,ku waas oo doonayay in ay soo gudbaan wadankooda hooyo ee Soomaaliya.

 

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.