Jubbaland oo ka warbixsay howlgal ay ku dileen xubno Shabaab katirsan

Laamaha Amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay faah faahin guud ka bixiyeen howlgallo ka dhacay gobolada Gedo iyo Jubada hoose,kaas oo ay fuliyeen Ciidamada Maamulkaas.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in howlgalladaas ay Ciidamada Jubbaland ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab sidoo kalena qaarkood ay nolosha ku qabteen.

Xilli uu Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Kismaayo ayuu sheegay in howlgalka laga sameeyey deegaannada Cabdala Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Jamaame.

Waxaa uu sheegay in howlgaladaas guulo kale oo waaweyn laga gaarey,sidoo kalena ay Ciidamada dileen Afar Xubnood oio ka tirsan Al-Shabaab kana qabsadeen saanad Millateri sida uu hadalka u dhigey.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Ciidamada Jubbaland ay u taagan yihiin ka hortagida in falal amniga lidi ku ah ka geystaan Al-Shabaab degmooyinka ay ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.