Akhriso: Qorshaha wasiirka maaliyadda Itoobiya oo ku sugan Hargeysa

Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland waxaa maanta oo arbaco ah gaaray Wafdi wasiirro ah oo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya.

Wefdi ga ka socda Itoobiya ayaa waxaa hoggaaminnaayo Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalka Ethiopia, Axmed Shidde iyo Wasiirul-dawladdaha arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa ka degay Garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

Wafdiga ayaa la  filayaa in ay Madaxweyne Somalilan Muuse Biixi Cabdi kala hadli doonnaan, isla markaanna u gudbin doonnaan dhambaalo iyo farriimo ay uga siddaan Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo ku aadan wada hadalada Dowladda Faderaalka Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

Socdaalkan  ayaa la sheegayaa in uu la xiriiro safarka Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ku tagayaan Hargeysa todobaadka dambe sida ay qorshuhu ahaa.

Hayeeshee Somaliland ayaa beenisay in socdaalkaasi jiro islamarkaana Hargeysa uusan tagi karin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo  shalay jeediyay khudbaddiisa sanad laha ah ee Maamulkiisa ayaa si cad u sheegay in marnaba uusan Hargeysa tageynin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dadaal weyn ugu jira sidii uu heshiis uga dhex dhalin lahaa Soomaaliya iyo Soomaaliland, isagoo isbuucii hore hirgaliyay in madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Biixi ay markii ugu horreysay isku arkaan xafiiskiisa Magaalada Addis Ababa.

Kulankaas kaddib waxaa khudbado hadal-heyn weyn dhaliyay kala jeediyay madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Biixi.

12-kii bishan February, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo jeediyay in lala qaato raalligalin ku aaddan wixii ka dhacay gobollada Waqooyi iyo in jabhadihii dhanka kale ay garawshiyo sameeyaan

Tan iyo markii uu xilka madaxweynaha qabtay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa hakad ku jiray wadaxaajoodyadii u dhaxeeyay guddiyada ka kala socday Soomaaliya iyo Somaliland.

Inkastoo madaxweynaha Dowladda Federaalka uu magacaabay guddiga u qaabilsan wadahadallada, haddana waxaa jiray ismari waa ku aaddan halka laga sii ambaqaadayo howsha.

Somaliland ayaa dhankeeda shuruud ka dhigtay in haddii miiska la isugu imaanayo ay wadaxaajoodyadu kasii socdaan halkii ay marayeen markii ay jirtay dowladdii ka horreysay Madaxweynaha Soomaaliya ee hada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo .

Mogadishu-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *