AFRICOM oo ka hadashay duqeyn ay ka fulisay Degmada Jilib

War kasoo baxay Taliska Howlgalada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu faah-faahiyay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ee duuli la’aanta ay ka geysteen Deegaanka Wadajir oo u dhaw Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay in howlgalka ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay ku bartilmaameedsadeen Al-Shabaab.

Gen. Gregory Hadfield oo ah ku xigeenka Howlgalada Afrika ee taliska ayaa yiri “Weerarka waxaa lagu bur-buriyay Qaraxyo iyo gaadiidkii lagu diyaariyay, waxaana kaga hortageynay waxyeelo dadka lagu gaarsiiyo”..

Sidoo kale, War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa lagu sheegay in duqeynta ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada iskaashanaya, isla markaana anau jirin Waxyeelo shacab gaartay.

Mogadishu-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *