Khiyaannada Farmaajo ee Doorashada 2021!!!

Dalka waxaa lagaga diyaargaroobayaa doorasho hal qof iyo hal cod ah sanadda foodda inagu soo heysa ee 2021-ka, balse ma muuqato saan-saantii sahlaysay in ay qabsoonto doorasho hufan oo dadku ay u siman yihiin.

Taas beddalkeeda madaxweynihii umadda Soomaaliyeed ee dalkaan u dhaartay ayaa wada dibin-daabyo uu ku hareermarayo dastuurka islamarkaana uu ku sameeysanayo doorasho gacan ku rimis ah.

Damaca doorashada Farmaajo ee khiyaameysan ayaa laga dheehan karaa khubaddii uu jeediyay madaxweynaha habeenkii khamiista kaddib markii uu saxiixayay sharciga doorashooyinka qaranka, xafladdaasi oo la qabtay 20-02-2020-ka.

MW Farmaajo waxaa uu sheegay in sharciga uu saxiixay wixii iminka ka dambeeyna uu ku wareejinayo guddiga doorashooyinka, bal halkee dastuurka kaga taallaa arrintaa?!

Midda kale ee isweydiinta mudan waxaa weeye, guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ma hay’ad Villa Somalia ka tirsan baa mise waa mid dastuuriyan madaxabannaan.

Caqabadaha ugu waa weyn ee hor taagan in dalka doorasho hufan ay ka dhacdo:

  1. Amniga dalka: waxaa inta badan weli gacanta dowladda federaalka ka maqan dhul ballaaran oo ay gacanta ku heysato kooxda Alshabaab, maamul goboleedyo xiriir uusan kala dhaxeynin iyo Somaliland oo aan soo dhaweyn.
  2. Maxkamad Dastuuriya: Weli waxaa lagu guuleysan dhismaha maxkamaddii dastuuriga ahayd oo isqabqabsiga siyaasadda maareyn lahayd.
  • Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka: Wadan walba oo doorasho ka dhacaysa waa inuu leeyahay guddiga dhexdhexaadin, dalkeennu wali ma yeelan, haddii khilaaf ka dhasho agaasinka doorashada sidee loo xallinayaa?
  • AMISOM: Adduunka kama dhicin dal ay joogaan ciidamo shisheeye oo la leeyahay doorasho ayaa laga qabanayaa, dastuurkana ma ogala
  • Khilaafka: Villada iyo dowladaha xubnaha ka ah oo weliba maraya meeshii u sarreeysay, waa halkee meesha doorashada laga qabanayo?!
  • Axsaabta Qaran: Ma jiraan heshiisyo siyaasadeed oo rasmi ah oo ay wada gaareen xukuumadda federaalka iyo axsaabta siyaasadda oo dadka loogu jiheynayo doorashada 2021-ka.

Ka aqoonyahan ahaan, waxaan talo u soo jeedinayaa dhammaan axsaabta siyaasadeed ee dalka ka dhisan, in ay ku baraarugaan khiyaannada doorasho ee uu maleegayo madaxweynaha qaranka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida khudbadda madaxweynaha laga dhadhansan karayay, waxaa qorshaha uu yahay in guddiga doorashada uu leeyahay arrimaha doorashada waa u wakiishay in ay isaga uun u shaqeeynayaan.

Tan kale waxaa weeye in kalfadhiga 8aad ee baarlamaanka ay doonayaan in ay shaaciyaan in dalka aan doorasho ka dhici karin seddex sano oo soo socotana ay ka shaqeeyaan, Madaxweynaha muddo kordhin intaas la eg(3 sano) isna loogu daro.

Siyaasiyiinta Soomaalida oo idil waxaan leeyahay arrintaan ku baraaruga oo iminka u suxul duuba sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah xukuumaddana cadaadis ku saara.

Haddii kale, berrito marka arrintu gaadho meel aan laga qaban karaynin hadal waxba tarimaayo.

Tusaale kale madaxweyne Maxamed Farmaajo ma caddeeynin doorashada qaabka ay noqonayso ma 4.5-kii aan naqaannay ee qabaliga ah baa mise waa nidaam kale oo ka duwan.

Xildhibaannada beesha Isaaq xaggee baa laga soo dooranayaa ma Xamar, haddii ay saas tahay Hawiye, Digil iyo Mirifle iyo Daarood miyaa soo dooranaya?

Annagu doorasho dadban baa naqaannay, se waxaa uu Farmaajo iyo kooxdiisu waddaan ay u muuqataa doorasho duleesha!

Waxaa qoray: Fallanqeeye siyaasadeed iyo aqoonyahan Soomaaliya ka soo shaqeeyay dowladihii u horreeyay burbuka kaddib, Danjire Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim)

Ku nool: Helsink, Filand

Email: Caalim68@hotmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/caalim68

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *