Taliska Booliska oo isbadal ku sameeyay Taliska Booliska ee Galmudug

Taliyaha Booliiska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Dhamaanba isbadal Ku sameeyay Taliska Guud ee Booliiska Galmudug iyo Talisyada Degmooyinka ay maamusho Dowladda Soomaaliya ee Galmudug .

Taliyaha Booliiska Galmudug ayaa loo magacaabey G/Sare: C/Kariin Xussen Macalin , Taliye xigeenka Booliiska Galmudug ayaa isna loo magacaabey G/sare Maxamed Nuur Cali .

Taliyaasha degmooyinka ee la soo magacaabey waxaan qayb ka ah Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb oo loo magacaabey Dhamme: Burhaan Axmad Rooble.

Isbadalka ayaa saameeyey Qaybaha Guud ee Goboladda Mudug , Galgaduud iyo Degmooyinka Dhuusamareeb , Caabudwaaq , Hobyo , Matabaan , Xeraale iyo Balamballe.

Mogadishu-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *