Deg Deg: Soomaaliya oo laga helay qofkii Labaad ee qaba cudurka Coronovirus

Wasiiradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowsiyo Yuusuf Abiikar oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in qofkii labaad ee Muqdisho jooga in laga helay cudurka Coronivirus.

Wasiiradda ayaa sheegtay in muwaadinka Soomaaliyeed uu ka yimid dalka dibadiisa islamarkana jirkiisa uu ku jiro cudurka iyadoo xustay in uu ku jiro gacanta hay’adaha caafimaadka dowladda oo hadda la karan tiilayo.

Wasiiradda ayaa sheegtay in nidaamka caafimaadka uu dalka inuu aad u liito, waxeyna dadka ugu baaqday iney ku dadaalaan sidii ay ugu hor tagi lahaayeen inuu soo gaaro.

Dhanka kale waxey ku baaqday wasiiradda in loo hogaansamo talooyinka caafimaad oo gacnamaha la dhaqo sidoo kalena la iska ilaaliyo goobaha lagu kulmo.

Mogadishu-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *