Qoor Qoor “Mucaarad iyo Muxaafad waan isku wadi karaa”

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa uu kulan kula qaatay Xildhibaanno iyo siyaasiyiin mucaarad sanaa dhismaha Maamulka Cusub ee uu hoggoominayo.

Kulanka waxaa ka qayb galay Xubno isugu jiray Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno oo ay kamid yihiin Mahad Maxamed Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi, waxa ay madasha ka sheegeen in Madaxweynaha looga baahan yahay ka miro dhalinta ballanqaadyadii uu sameeyay xiligii uu loolanka ku jiray.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ku amaanay dadaalada uu ku wajahay dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo soo dhaweynta dadka ka aragtida duwan.

“Madaxweyne Axmed waa nin dhiiran, markii uu ku guda jiray ol-laha waxa uu dareemay in aan u socon halka uu rabo, waa nin dadaal badan, markaas ayuu nagu yiri meel kale ayaad u jeedaan ee walba ila shaqeeya haddii aan xilka ku guuleysto, waxa aan kala shaqeyneenaa sidii uu usii dhaqaan lihii howlaha Maamul ee hor yaalla” Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi waxa uu dhankiisa madasha ka sheegay in ay doonayaan Galmudug la siman Dowlad Goboleedyada kale ee dalka, isla markaana wax laga barto caqabadihii khilaafka ee ragaadiyay maamuladii hore ee Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kulanka waxa uu ka sheegay in dhammaan dadkii ay kala aragti duwanaayeen isla meel dhigeen sidii looga gudbi lahaa.

Madaxweynaha waxa uu soo jeediyay in guud ahaan saamileyda Galmudug laga doonayo sidii ay kaalintooda ugu soo bixi lahaayeen, waxaana uu sheegay in albaabka talada iyo wax toosinta ay u furan tahay qof waliba oo ka shaqeyneysa horumarka Galmudug.

“Marka Kursiga la doonayo waala is riix-riixaa, balse haddii ay arintu meel u badato waa in la wado shaqeeyo, waxaa na hor yaalla arrimo badan, waxaana dhexda ka dhigeynaa qof waliba oo ku haboon oo Galmudug wax kusoo biirin kara” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-qoor.

Mogadishu-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *