Wafdi ka socda Dowladda Federalka oo ku wajahan magaalada Gaalkacayo

Wararka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka imanaya sheegaya in halkaas saacadaha soo socda ay gaari doonaan wefdi heer sare ah oo ka socda dowladda Soomaaliya.

Wfdigaan uu hogaaminayo guddoomiyaha guddiga Dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka Sanotor Cabsi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa kulamo la qaadanaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Warar soobaxaya ayaa sheegaya in wefdigaan ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqan oo kasoo jeeda deegaanada maamulka Galmudug.

Socdaalka Masuuliyiintaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen wadahadlo loogu gogol xaarayo dhamaynta khilaafka ka dhashay doorashadii madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoo qoor iislamarkaana laga dalbaday xaaf in uu ka tabnaaslo arrimaha doorashada oo markii hore uu cadeeyay mowqifkiisa.

Mogadishu-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *