Kiis cusub oo Coronovirus ah oo Soomaaliya ku soo kordhay

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday in Kiiskii 8-aad ee Corona Virus ah laga helay Magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in ruuxa uu degaan ku yahay Muqdisho, islamarkaana uusan ka imaan dalka dibadiisa.

Warka Wasaaradda ayaa siddaan u qornaa:

Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan.

Tirada guud ee la xaqiijiyey: 8

Tirada bogsashada : 1

Tirada dhimashada : 0

Mogadishu-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *