Gaari Boolis ah oo lagu qarxiyay magaalada Muqdisho

Qaraxaan ayaa goordhaw ka dhacay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, waxaana waxyeelo gaartay Askar la katirsan Booliiska Soomaaliya oo la socotay Gaariga iyo dad shacabka ah oo ka dhawaa Goobta.

Sida goobjoogayaal sheegeen Qaraxa ayaa ka dhacay Isgoyska Banaadir, ciidamo kale oo katirsan Booliiska Dowladda Soomaaliya ayaa goobta tagay si ay u qaadaan dadka waxyeeladu gaartay, isla markaana ay u sameeyaan Baaris.

Lama oga in Qaraxa uu yahay Nuuca dhajiska ah oo horay loogu xiray Gaari iyo in ay tahay Miino la dhigay goobta uu mararay gaariga.

“Waxa aan ku dhaween Isgoyska Banaadir, Mar qura ayaan maqalnay Qarax, waxaa nasoo gashay Uuro iyo Ciid, waxa aan aragnay Askari dhulka jiifo oo aan kala saari Karin in uu dhintay iyo in uu dhaawac ahaa, Gaariga oo ahaa nuuca Toyota Hilux (Qooqan) waxyeelo ayaa gaartay” Sidaasi waxaa Mustaqbal u sheegay qof la kulmay dhacdadaan.

Ma jiro war kasoo baxay Laamaha ammaanka Dowladda oo ay ku faah-faahinayaan Qaraxa iyo khasaaraha la sheegay in uu sababay inta uu gaarsiisan yahay.

Mogadishu-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *