Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo Al shabaab kala wareegay deegaano cusub

0
79

Wararka laga helayo Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug waxa ay sheegayaan in galabta weerar qorshaysan ku qaaday Fariisimo Al shabaab ku lahaayeen degaanka Shabeeloow ee Koonfurta Gobolka Mudug sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Ciidamada ayaa la wareegay saldhigyadii Al shabaab ee deegaankaas, waxaana halkaas khasaare lagu gaarsiiyay kooxdas sida ay sheegeen saraakiisha hogaamineysa howlgalka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa howlgal balaaran oo ka dhan ah Al shabaab ka wada Koonfurta Gobolka Mudug, iyadoo ciidamadu la wareegeen Xarumo iyo degaano badan oo Al-shabaab gacanta ugu jiray.

Ciidamada huwanta oo dhinaca cirka uu ka taageerayey Maraykanka ayaa qabsaday maalmihii la soo dhaafay degaano ay ka mid yihiin Camaara, bacaadweyn, Qeycad iyo meelo kale.

Dhanka kale Mareykanka ayaa wada duqeymo uu la eeganayo Al shabaab kuwaa oo ay la eegteen fariisamo ay leeyihiin iyadoo wali duqeymahaas ay socdaan kuwaa oo guulo ay ka sheegteen maamulka Galmudug.

Muqdisho-Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.