Ciidanka dowladda oo Sagaal dhalinyaro ah ku dilay Balcad

0
6

Banaanka degaanka Gololey ee duleedka degmada Balcad ayaa waxaa goor dhow la soo dhigay meydadka Sagaal dhalinyaro ah oo shalay laga qafaashay degaankaas.

Rag hubeysan oo aan la ogeyn cida ay yihiin ayaa shalay degaanka ka watay dhalinyaradan oo qaarkood ka shaqeynayay xarun Caafimaad oo ku taalla degaanka Gololey.

Degaanka Gololey oo degmada Balcad woqooyi ka xiga 7-km ayaa waxaa gaaray ciidamada amaanka iyo masuulyiin kale oo ka tirsan degmada Balcad.

Dhacdadan oo si weyn looga argagaxay ayaa ugub ku ah gobolka Sh/dhexe, waxaana socda baaritaano la xiriira cida ka dambeysay dil wadareedkan arxan darada ah iyo sababta keentay.

Mogadishu-Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.