Ciidanka xoogga dalka oo in ka badan 20 Shabaab ah ku dilay duleedka Janaale

0
7

Wararka aan ka heleyno deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in howlgallo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen duleedka deegaankaas ay ku dileen dagaalamayal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Tuulooyinka kala ah Buulo-arundi iyo Busley oo hoos taga degaanka Janaale oo howlgaladaas ay ka fuliyeen ciidamada militeriga Soomaaliya ayaa lagu dilay in ka badan 20 dagaalame.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka xoogga dalka howlgalladaas ka dhacay duleedka Janaale ku dileen in ka badan 20 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka militeriga Soomaaliya ay howlgalkaas ku burburiyeen doomo ay wabiga Shabeelle isaga gudbi jireen Al-Shabaab.

Mogadishu-Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.