Diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaano ay ku howlgalaan Al shabaab

0
89
AFRICOM oo ka hadashay duqeyn ay la eegatay Al shabaab
Somalitopnews.com

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubaland, ayaa sheegay in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo ka geysteen deegaano kamid ah magaalooyinka Jilib iyo Jamaame, halkaas oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Goobaha la beegsaday ayaa la sheegay iney ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, waxaana jira khasaare ka dhashay labada weerar, walow wali Saraakiisha aysan kala cadeyn rasmi ahaan inta uu la egyahay khasaaraha.

Weerarka koowaad waxa uu dhacay saqdii dhexe ee xalay, waxa uuna ka dhacay guri ku yaala magaalada Jilib, halka weerarka 2-aad oo isna dhacay xiligii Suxuurta lala eegtay magaalada Jamaame, iyadoo dadka Shacabka ku nool goobahaasi ay baqdin la soo deristay.

Duqeynta oo la rumeysan yahay iney geysteen diyaaradaha aan duuliyaha leheyn ee Mareykanka, ayaa sidoo kale xalay oo dhan dul heehaabeysay meelaha la bartilmaameedsaday.

Si kastaba, madaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa sare u qaadaya weerarada dhinaca Cirka ah ee diyaaradihiisa ay ka geystaan Soomaaliya, iyadoo sanadkan kaliya ay fuliyeen ku dhowaad 35 Weerar oo lagu dilay Inkabadan 300 oo Shabaab ah, sida ay hore u sheegeen howlgalka Mareykanak ee AFRICOM

www.somalitopnews.com         

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.