FESOJ oo hambalyo u dirtay gudoomiyaha ururka Warbaahinta Puntland ee MAP.

0
52

Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ wuxuu hambalyo u dirayaa gudoomiye Maxamed Daahir Caynsane oo markii Labaad loo doortay Gudoomiyaha ururka warbaahinta Puntland Sadddexda sano ee soo socota.

Sidoo kale waxaan hambalyo leenahay wariyeyaasha reer Puntland, waxaana ugu baaqeynaa iney si dhaw ula shaqeeyaan Gudoomiye Ceynsane, oo dadaal badan ku bixiyay xuriyadda Saxaafadda iyo Wariyeyasha ka howlgala deegaanada maamul Goboleedka Puntland.

“ Aad ayaan ugu faraxsanahay in markale dib loo doorto Mudane Caynsane oo dadaal, daganaansho iyo xirfad sare ku hogaaminayay wariyeyaasha Puntland ka howlgala, waxaana leeyahay halkaa ka sii jibaar shaqada aad u heyso warbaahinta.

Dhanka kale waxaa soo dhaweeyay dib u doorashada Gudoomiyaha Uruurka warbaahinta Puntland Xoghayaha Guud ee FESOJ Faarax Nuur.

“  Gudoomiye Caynsane waxaan leeyahay markle soo dhawoow ka FESOJ ahaan waan ku faaneynaa wadashaqeyntaada, waxaana rajeynaa inaa halkaa ka sii wado u dagaalamidda xuriyadda Wariyeyaasha, Warbaahinada, kuwa madaxa banaan, kuwa gaarka loo leeyaya iyo dhamaan qalilnelyda saxaafadeed.

Xogahaye Faarax ayaa sidoo kale maamul Goboleedka Puntland ugu baaqay in wariyeyaasha ay ka deyso caga juglleynta oo xariga kow ka yahay iyo in xuriyadiisa la siiyo Wariye Kilwe oo inkabadan Laba bil xiran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.