Guddi loo saaray “baarista” kiiska Ikraan Tahliil Faarax !

0
87

Xeer Ilaaliyaha Guud  ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa u magacaabay Sedax Sarkaal oo ka kala tirsan Xafiiska Xeer ilaalinta, Boliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax  oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June Sanadkan.

Qoraal ay baahisay warbaahinta Dowladda ayaa la sheegay in Xeer Ilaaliyaha uu furay Taliska NISA in ay kala shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Wadda kasta cadaallad loogu heli karo kiiska kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen ehelka Maqanad Ikraan Tahliil la rumaysanyahay in ay ku maqantahay gacanta Hay’adda NISA sida xubno ka tirsan ehelka u sheegeen Mustaqbal Media.

Xafiisku ma shaacin magacyada saraakiisha loo saaray baarista Kiista.

Ikraan Tahliil Faarax, oo da’deeda tahay 24-sano jir ah kana tirsan waaxda amniga internet-ka ee hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ayaa ehelkeeda ka maqan  mudo ka badan bil sida ay sheegeen xubnaha ehelkeeda.

Ikraan, oo si dhow ula soo shaqeysay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir AUN, Injineer Yarisow, ayaa la la’yahay tan iyo 26-kii Juun sanadkan aan ku jirno ee 2021-ka, sida ay sheegeen xubno kamid ah qoyskeeda oo la hadlay Warbaahinta.

Markii u dambeysay waxaa abaare 20:01 gaari laga soo qaaday hoygeeda oo u dhow xarunta dhexe ee NISA, oo ah goob amnigeeda aad loo ilaaliyo ayna kaliya geli karaan gaadiidka haysta fasaxa heerka ugu sareeya ee dowladda.

Hooyadda Ifraax oo ku dagan dalka Turkiga ayaa sheegtay in ay heleen muuqaalo CCTV ah oo muujinaya markii ugu dambeysay ee gabadheedu ka baxeyso guriga iyo gaariga lagu sii qaaday.

Ikran ayaa waxay ka mid ahayd dhalinyarada dibadaha wax ku soo bartay kuna soo noqday Soomaaliya waxaana hooyadeed sheegtay in aysan wali cadeyn mustaqbalka gabadheeda maadaama lagu waayey hooska NISA, oo ah hay’adda ugu sareysa sirdoonka waddanka.

Ikraan tahliil ayaa daganayd inta u dhexaysa hotelk Globol iyo KM0 (Kilometer Zero),waana goob u xiran hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya gaari kastana uusan galin Karin waxaana loogu baaqay shaqsiyaadka haysta gabadha in ay xoriyadeeda u celiyaan.

Muqdisho-Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.