Gudoomiye Waaxeed xaaskiisa ku dilay degmada Dayniile

0
11

Guddoomiyihii waaxda Halgan ee degmada Deyniile ayey xaaskiisii ku dishay xaafadda Raadeerka ee degmada Deyniile.

Guddoomiyaha oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadi Fooldibi ayaa waxaa midi ku dilay xaaskiisa, kadib markii sida la sheegay ay hinaastay.

Dhaawac culus oo kasoo gaaray mididii/tooreydii ay ku dhifitay xaaskiisa ayuu u geeriyooday gudoomiye Cabdulqaadi, welina maamulka uu ka tirsanaa ee degmada Deyniile kama hadlin falkaas.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumka iyo xaaskiisa uu soo kala dhex galay muran, isla markaana ay si gaadmo ah ugu dhufatay Tooreyda.

Mogadishu-Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.