“Heshiis walbo idinka ayaan idinku soo celin doonaa” Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Xildhibaanada Golaha Shacabka

0
58
“Heshiis walbo idinka ayaan idinku soo celin doonaa” Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Xildhibaanada Golaha Shacabka
“Heshiis walbo idinka ayaan idinku soo celin doonaa” Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadal-jeedintiisa Golaha Shacabka waxa uu ku billaabay  sababta uu u dalbaday in uu horyimaado, waxa uu ku koobay hadalkiisa Doorashooyinka, Wada hadallada Xukuumadda dhexe iyo Dowlad-goboleedyada iyo xaalka siyaasadeed ee Dalka.

Waxa uu kahadalay shirka Magaalada Dhuusamareeb ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo dadaalo xooggan la geliyay muddada uu socdo.

“Waxaan ka qeyb gali doonaa shirka Dhuusomareeb ee dowladda Federalka iyo maamul Goboleedyada si aan isula meel dhigno doorashada soo socota, waxaa idiin cadeynayaa maadama aad tihiin codka shacabka in aan halkaan ku soo celin doono heshiis walbo aan la gaaro, si aad uga qaadataan kaalintiina Dastuuriga,  Go’aanka aad gaartaan waa in dalka oo dhan laga aqbalo” Waa Madaxweyne Farmaajo oo maanta la hadlay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Khudbadda Madaxweynaha oo ahayd mid kooban waxa uu xoogga ku saaray doorashada, siyaasadda, shirarka heer federaal iyo Dowlad Goboleed iyo weyneenta go’aanka Golaha Shacabka ee ah in dalka ay ka dhacdo doorashada ay go’aamiyaan.

“Waxa aad tihiin Matalayaasha Shacabka, sidaas awgeed Heshiis waliba oo aan la gaarno Madax goboleedyada waxa aan ballanqaadayaa in aan dib idin kugu soo celiyo” ayuu yiri Madaxeynaha Soomaaliya.

Hadalka madaxweynaha ayaa ka dhigan in uu weli ku dheggan yahay go’aankiisii ahaa in Nuuca doorashado noqodo mid Qof iyo Cod ah oo xilliga iyo xaalka taagan ay adag tahay qabashadeedu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.