Hogaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland oo ka hadlay lacag Farmaajo u ballan qaaday Muuse Biixi

0
16
Hogaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland oo ka hadlay lacag Farmaajo u ballan qaaday Muuse Biixi
Hogaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland oo ka hadlay lacag Farmaajo u ballan qaaday Muuse Biixi

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe oo maanta la hadlay Warbaahinta waxa uu soo bandhigay ballanqaad loo sameeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in lacag dhan $800 Milyan oo Soomaaliya la siinayo kolka deynta laga cafiyo, Muuse Biixi uu ku leeyahay saami dhan 30%, balse shuruud looga dhigay in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo, taasina uu sameeyay.

Qorshahaan waxa uu tilmaamay in uu ka shaqeeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo dhowaan u yeeray Muuse Biixi, waxaana kulan uu Addis Ababa kula qaatay Madaxweyne Farmaajo.

“Muuse Biixi, waxa uu baab’iyay gudaha, waxa uu sameeyay qiyaano, 10-kii bisha waxaa loosoo diray Telefoon, $800 Milyan oo Doolar oo la siinayo Soomaaliya marka deynta laga cafiyo ayaa looga ballanqaaday 30% in laga siinayo, kaliya waxaa shuruud looga dhigay in Farmaajo uu kula kulmo Jabuuti, wuuna aqbalay” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo fududeeyay Kulanka Madaxweynaha DFS iyo Muuse Biixi in uu tagay Imaaraatka, isla markaana uu sheegay in uu heshiis dhex dhigay Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Dadka Somaliand ay u iibsan yihiin Muuse Biixi Cabdi oo lacag ku qaatay, waxaana uu Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu ka gaabsan soo bandhigista kulankii Madaxweyne Farmaajo kolkii uu dib ugu laabtay Hargeysa iyo wafdigii uu la kulmay ee ka socday Dowladda Federaalka Itoobiya.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa soo jeediyay in la qabto Doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, kadib markii Madaxweyne Muuse Biixi ay ku eedeeyeen in uu baal-maray Dastuurka Maamulkaas.

Mogadishu-Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.