Maamul goboleedyada oo si gaar ah kaga hadlaya amniga deegaanada ay maamulaan

0
93

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa ku wajahan wasiirada amniga ee maamul goboleedyada dalka, sidoo kale waxaa ka qeyb gali doona Taliyaasha ciidamada maamulada dalka ee dowladda dhexe ka hor yimid.

Wararka ayaa sheegaya in shirka looga hadli doonaa sidii loo dhisi lahaa Ciidan ay leeyihiin maamul goboleedyadda ee ka kooban 4 kun oo Askari.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa la filayaa in Gole amni ay ku dhisaan Wasiirada amniga iyo Taliyaasha ciidamada maaamul gobaleedyada.

Diyaar garow ku aadan kulankaasi ayaa hadda soconaya  oo Wasiirada Amniga iyo taliyaasha ciidamada maamul Gobaleedyada ay ku tagaan magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.