Mucaaradka Sudan ayaa diiday baaqa kasoo yeeray Cabdul-Faxaax al-Burhaan oo ah hogaamiyaha golaha cusub ee ciidan ee ku-meel-gaarka ah.
Waxa macaaradku sido kale ay ku adkaynayana in la sii wado dibadbaxyada iyo amar diidada bulsho inta laga gaadhayo dhaqan galinta 7 shuruudood oo ay soo bandhigeen.
Hogaamiyahan cusub ee golahan ciidan ayaa qoraal uu soo saaray ku dhawaaqay in la sameyn doono gole ciidan oo matala dawlad madaxbanaan iyo xukuumad rayid ah oo la wada oggol yahay dhammaan,inta lagu guda jira muddada ku-meel-gaadhka ah oo ah 2 sanadood .
Ururada macaaradka oo ka jawaabaya hadaladan kasoo yeedhay golahan ciidan ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in qoraalka uu soo saaray hogaamiyaha cusub ee golaha ciidan ee ku-meel-gaadhka ah uunan fulin mid kamid ah codsiyada bulsho
Waxa qoraalkan macaaradka lagu yidhi”Kacdoonku kuma dhamaan doono sida,kaliya wajiyada la badilayo ee taliska iyo khiyaanadiisa uu isku qanciyay,talaabada ugu horeysa ee ridista taliska waa inay timaada in si degdeg ah oo aanan shuruud lahayn loogu wareejiyo talada xukuumad ku meel gaadh ah oo rayid ah oo maamusha xilliga kala guurka muddo afar sanadood ah”.
Waxa ururada mucaaradka ay muujiyeen inay ku dhagan yihiin codsiyada 7 ah oo ah qodobada kala ah: Qabashada, Haynta iyo dacwad ku oogista dhammaan hoggaamiyeyaasha nabadsugida amniga sir doonka oo “hoggaamiyeyaal la yaqaan inay ku kaceen dambiyo ay u gaysteen bulshada.
Ururada macaaradka ayaa ku baaqay in “dib-u-habeyn lagu sameeyo waaxaha nabadsugida iyo sirdoonka iyo in la baab’iyo maleeshiyada taliska ee ay kamid yihiin guutooyinka hooska, difaaca bulsho iyo ciidanka booliiska bulshada iyo kuwa kale”.
Waxa sidoo kale macaaradku ku baaqay in “Lahayo oo la xidho dhammaan hoggaamiyayaasha musuqmaasaqa ee katirsan waaxdan iyo ciidanka iyo maleeshiyada kale,ee la yaqaano inay ku kaceen dambiyada loo gaystay muwaadiniinta goobaha ay ka jiraan dagaaladda hubaysan ee Darfur, buuraha Nuba iyo deegaanadda Koonfurta Blue Nile, iyo in mar dambe la horkeeno cadaalada”.
Macaaradka ayaa waxa uu ku adkaystay baahida loo qabo “In la kala diro dhammaan waaxaha iyo hay’adaha xukuumadda iyo in si degdeg ah loo xidho loon hayo dhammaan hoggaamiyeyaasha ku lugta leh dilalka iyo musuqmaasaqa maaliyadeed inta ay dhacayo in mar dambe la maxkamadeeyo”.
Waxa dhanka kle macaaradka ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan siyaasiyiinta macaaradka iyo ciidanka xidhan oo ay ku jiraan saraakiisha u hiilisay kacdoonka.
Waxa ugu dambeyn ay ku adkaysteen ururada macaaradku baahida loo qabo in ” si degdeg ah loogu dhawaaqo qaadista dhammaan sharciyada dabraya madaxbanaanida hadalka”.