Madasha Xisbiyada Qaran oo digniin u dirtay xukuumadda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya

Madasha Xisbiyada Qaran oo digniin u dirtay xukuumadda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya

0
61

Kuln ay yeesheen madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu cadeeyay mowqifka ku aadan xubnaha Golaha Adeega Garsoorka ay magacaabeen Golaha Wasiirada dowladda.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha ayaa waxaa lagu sheegay in hab-raaca loo magacaabay Magacaabista 5-ta xubnood ee Golaha Adeega Garsoorka dalka ay baal-marsan tahay Dastuurka KMG ah ee dalka ku yaalla.

Madasha Xisbiyada ayaa sheegtay in Xukuumadda hada jirta ay tahay mid xil-gaarsiin ah, isla markaana aysan laheyn awood sharciyadeed oo ay ku qaatan Go’aano masiiri ah, kadib markii xilka qaadis lagu sameeyay Ra’iisul Wasaarihii dalka Kheyre.

Sidoo kale Madasha ayaa Madaxweynaha uga digtay inuu wareegto kasoo saarin 5-ta xubnood ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ilaa iyo inta laga waafajinayo Dastuurka dalka.

No photo description available.

Image may contain: text

Mogadishu-Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.