Maxaa laga filan karaa Kullanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo si weyn loo sugayo maanta?

Waxaa soo baxay tuhun ah in Golaha Shacabka iyo Madaxda DFS ay doonayaan waqti dheereysi, inkasta oo labada dhinacba ay iska fogeeyeen,

0
47

Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka BFS oo ku guda jira kalfadhigii ugu dambeeyay muddo xil-heyntooda ayaa meelmariyay qodobo laf-dhabar u ah doorashada dalka gaar ahaan qof iyo cod.

Golaha ayaa sheegay in haatan dalka ay ka dhici karto doorasho dadweyne si looga gudbo mid dadban oo lagu soo dhigay Dowladda haatan talada heysa, waxaana ay si cad u sheegeen Xildhibaannada iyo Guddoonkooda in halis nafeed ka dhalatay ergada wax dooraneysa.

Qodobo dhowr ah ayay Aqrin, Dood iyo codeyn geliyeen, inkasta oo Golaha Aqalka sare BFS oo loo gudbiyo xeerarka iyo qodobada Golaha Shacabka mara ay waxba kama jiraan kasoo qaadeen ansixinta Aqalka Shacabka.

Guddoomisada Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa golaha u bandhigtay bilo dheeraad ah oo ku eg Agoosto sanadka soo socda 2021-ka oo haddii loo ogolaado ay ku hirgelin karaan Codeyn Dadweyne.

Xildhibaannada iyo Guddoonkooda ayaa si cad u sheegay in aysan dooneyn in wadanka ka dhacdo doorasho dadban, ka qaybgalayaasha halaga badiyo tiradii hore iyo ama sidoo horayba lagu soo celiyaba

Waxaa soo baxay tuhun ah in Golaha Shacabka iyo Madaxda DFS ay doonayaan waqti dheereysi, inkasta oo labada dhinacba ay iska fogeeyeen, balse waxa ay Xildhibaannada qaarkood qireen in aan laga maarmeen biyo kooban oo howsha doorashada lagu dhameystirayo, taasina ay sameyn jireen Dowladii Dalka soo maray tan iyo 2000.

Dhuusamareeb waxaa lagu ballansan yahay 15-ka Bishaan Agoosto 2020-ka in uu ka dhaco Shirka Dhuusamareeb-3 oo ay is hor fadhiisanayaan Madaxda DFS iyo DG, inkasta oo Golaha Shacabka waxba kama jiraan kasoo qaaday kulamadii 1-aad iyo 2-aad.

Ilo xog ogaal ah oo katirsan laanta Xeer dajint ayaa sheegaya in  Golaha Shacabka  uu sii wadi doonaa doodda, codeynta iyo guda gelista qodobada dhiman ee doorashada .

Waxaana ay sheegeen in ay suuragal tahay in maalmaha soo socda Xildhibaannada cod geliyaan dalabkii Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka ee ahaa in loo ogolaado bilaha dheeraadka ah si ay u guda galaan qabashada Doorashada Dadweyne.

Madaxda DG oo kulanka 7-cishe kadib lagu wado in uu ka dhaco Xarunta Galmudug ayaa aamminsan in waqtiga harsan aan lagu qaban Karin Doorasho qof iyo cod ah, balse DFS laga doonayo in ay hirgeliso nuuc doorasho oo fudud oo aan u baahaneyn waqti kale.

Haddaba, Suuragal ma tahay in Golaha Shacabka ay ogolaadaan waqtiga dheeraad ah ee Doorashada ku qabanayaan Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka oo ay ka dalbadeen 27-kii June 2020 kahor Shirka Dhuusamareeb-3?

Mogadishu-Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.