Natiijada Hordhaca Doorashadii ka dhacday degmada Ufeyn oo la shaaciyay

0
62

Waxaa wali socotada tirinta codadka doorashada qof iyo codka ee shalay ka dhacday sadex degmo oo katirsan Puntland, doorashadan ayaana ah mid loogu tartamayo golayaasha deegaanka ee degmooyinkaasi.

Doorashada qof iyo codka ah ay ku tartamayaan Ururo siyaasadeed oo ka jira Puntland ayaa waxa ay shalay ka dhaceen degmooyinka Qardho ,Ufeyn iyo Eyl, waxaana socda tirinta codadka la dhiibtay, iyadoona hada soo baxayaan natiijooyin horu dhac ah.

Xisbiga Kaah uu hogaamiyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hogaaminaya codadka horu dhaca ah ee laga shaaciyay doorashadii ka dhacday Ufeyn, waxaana kusoo xdiga xisbiga Mideeye.

Halkan ka akhriso Natiijada horu dhaca ah ee Ufeyn ay shaaciyeen guddiga doorashada

Kaah 1687

Mideeye 1300

Sinaan iyo Cadaalad 1248

Mustaqbal 192

Horseed 180

Runcad 47

Shaqaalaha 13

Dhalinyarada 11

Ifiye 8

Waxaa jira codad halaabay iyo kuwa lagu muran sanyahay ay ku hoolan yihiin guddiga doorashada, waxaana la filayaa in natiijada kama dambeysta ah ee doorashada dib laga shaaciyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.