NFD oo ku dhawaaqday shir ay kaga hadlayaan sidii ay kaga hoos bixi lahaayeen gumeysiga Kenya

0
167
somalitopnews.com

Sida lagu sheegay war lagu daabacay Bogga Twiiter-ka ee Dhaqdhaqaaqa xoreynta NFD waxa dabayaaqada bisha June-2019 dhacaya shir ballaaran oo lagu casuumay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Waqooyi bari, xildhibaanada iyo  Siyaasiyiinta lagau casuumay kulankan waxa kamid ah

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale

Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil

Xildhibaan Cali Qorane

Faarax Macalin

Axmed Naasir

Iyo Junet Maxamed

Shirka Aayakatashiga gobolka Waqooyi Bari – (NFD) ayaa waxaa sidoo kale kaqaybgelaya odayaasha dhaqanka iyo hoggaanka dhaqdhaqaaqa xoreynta NFD iyada oo lagu faaqidayo dhibaatada gobokaasi kujiro muddado dheer ee dhiacyada maamulka, horumarinta iyo tacadiga ay ciidanka Kenya ku hayaan xoolo-dhaqatada iyo guud ahaan dadweynaha gobolka.

Shirkan ayaa kusoo aadaya iyada oo Kenya ay kulug leedahay muran badeed kusaabsan iskudayga Kenya ee qaadashada Dhul badeedka Soomaaliya, iyada oo muddo dheerna iskudeyeysay sidii ay u u milkin lahayd dhul aanay lahayn iyada oo u martay Kenya sidii ay dhul badeedkaas u hanti lahayd si kabaxsan Qaanuunka Caalamiga ah ee doodaha u dhexeeya dowladaha, taasina waxa ay keentay in Dowladda Soomaaliya ay doodda dhulka badeedk a kala dhexeeya Kenya u rarto maxkamadda caalamiga ah ah The Hake.

Taas oo Kenya dhigtay meel aad u adag kaddib markii ay ku fashilantay dhowr iskuday oo ay Kenya kudooneysay in muranka Dhul badeedka ay ka dhalisay Badda Soomalaiya in lagu xalliyo meel kabaxsan Qaanuunka caalamiga ah taas oo ay Soomalaiya ku gacan sayrtay.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.  

Somalitopnews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.