Puntland oo digniin cusub u dirtay Dowladda Federalka

0
33
Xubnaha Dowladda Federalka ku matalada Puntland oo ka qeyb galaya shirka looga soo hor jeedo DF

Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta ka digay in dowladda federalku sameysato muddo kororsi xilligan kala guurka ah oo dalku isku diyaarinayo sidii doorashooyin qaran loo qaban qaabin lahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ahna xubnaha Puntland u matalaya guddiga farsamo ee kasoo talo bixinta arrimaha doorashada, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda markii waqtigeeda gabagabo yahay ay ku fekerto inay cimrigeeda sii dheeraysato.

“Afar sano ayaa dadka iyo dalka wax loo qaban waayay, markii xilka uu ka dhamaadayna inay yiraahdaan hanaloo kordhiyo, waa nasiib darro,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Wasiir Dhabancad, ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federalka inay ka shaqeeyaan sidii dalka doorasho uga dhici lahayd, waxaana uu sheegay in mas’uul ka noqon doonaan cawaaqibta ka dhalata muddo kororsi hadii ay sameeyaan.

Hadalkaan ayuu wasiirku sheegay xilli ay maanta Puntland u dabaal dagaysay sannad guuradii 22-aad ee kasoo wareegtay aas aaskeedii.

Mogadishu-Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.