Ra’isul Wasaare Rooble oo lagu wareejiyay liiska musharaxiinta Aqalka Saree e Somaliland

0
74

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wareejiyay liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland).

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Rooble.

Arrintan ayaa meesha ka saareysa tuhunkii ahaa in Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Mahdi Guuleed ineysan ku saxiixin shaacinta liiska Ra’isul wasaare Rooble.

Sidoo kale fariintan ayaa dhabar jab ku ah madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo oo isu heysta inuu gacanta ku hayo liiska musharaxiinta aqalka saree e Somaliland.

No photo description available.

No photo description available.

Muqdisho-Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.