Saciid Deni“Dowladda Federaalka ayaantaan waxa ay lasoo baxday saan-saan aan wanaagsaneen”

0
34
Saciid Deni“Dowladda Federaalka ayaantaan waxa ay lasoo baxday saan-saan aan wanaagsaneen”
Saciid Deni“Dowladda Federaalka ayaantaan waxa ay lasoo baxday saan-saan aan wanaagsaneen”

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay aas-aaska maamulkaas waxa uu jeediyay khudbad uu uga hadlayay xaaladda dalka iyo isbadalada siyaasadeed.

Deni ayaa Dowladda Federaalka ku tilmaamay in ay lasoo baxday waji cusub oo horseed u noqon kara dib u dhaca dalka iyo in uu ku laabto halkii laga keenay, waa haddii aan wax isbadalin sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii Dowladda Federaalka waqti fiican oo badan ayaa la geliyay, balse ayaantaan waxa ay lasoo baxday saan-saan aan wanaagsaneen oo dib u dhigi karto, kala dambeynta iyo horumarku waxa uu ka dhashaa dhowrista Dastuurka Dalka” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa walwal ka muujiyay sida ay wax u wado Dowladda Federaalka, waxa uu u jeediyay Madaxda sare in ay wax ka badalaan, isla markaana ay ixtiraamaan qodobada lagu heshiiyay oo ah kuwa lagu shaqeynayo.

“Adeegga Dowladda Federaalka waa mid ku qoran dastuurka, muddo ayay leedahay dowlad waliba, waa in aan dhan looga tallaabin heshiiskaas oo waa kan awoodda u siinaya shaqada Dowladda sidoo kalena xakameynaya oo waa xeendaab aan laga gudbi karin” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland waxa uu kahor yimid tallaabooyin ansixin ah oo ay sameeyeen Golaha Wasiirada ee sida KMG ah usii shaqeynaya, maadaama Xukuumadda waqtiga dheer howsha heysay kalsoonida Golaha Shacabka kala laabtay.

“Waxa aan indhaha laga qabsan karin ku tumashada dastuurka dalka oo ay ku dhaqaaqayaan Wasiirada KMG ah ee xilka sii haya, maalmihii u dambeeyay waxaa socday Xad-gudubyo Dastuur” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Deni.

Waxa uu kahor yimid Meel-marinta Golaha Wasiirada KMG ah ee shaqada sii haya ee Ansixinta golaha adeegga Garsoorka Dalka oo ah Hay’adda saddexaad ee dalka ugu sareyso, isla markaana sal u ah dhismaha Maxkamadda Dastuuriga.

Mogadishu-Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.