Safiirada UK oo ka hadashay kulan ay la qaatay Mahdi Guuleed iyo Afayeenka Xukuumadda oo war ka soo saaray

0
117
Safiirada UK oo ka hadashay kulan ay la qaatay Mahdi Guuleed iyo Afayeenka Xukuumadda oo war ka soo saaray
Safiirada UK oo ka hadashay kulan ay la qaatay Mahdi Guuleed iyo Afayeenka Xukuumadda oo war ka soo saaray

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta  xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda ee UK ee Soomaaliya Mrs. Kate Foster.

Kulanka waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay safiiradda iyo afayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibrahim Macalimow kaa oo sheegay in UK ay taageereyso DF Soomaaliya

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay iney kawada hadleen  xoojinta xiriirka & iskaashiga labada dal iyo xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bani’aadminimada.

Bale durbadiiba waxaa hadalkaas beeniyay safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Kate Foster oo sheegtay in ay kala hadashay Ra’isul Wasaare ku xigeenka in UK aysan taageeri doonin muddo kororsiga ay sameesatay Dowladda.

Sidoo kale safiirada ayaa xustay in ay ku boorineyso madaxda DF iney dib ugu laabtaan wadahalllada doorashooyinka iyadoo la raacayo heshiiskii17-kii September.

UK ayaa kamid ah dowladaha sida weyn uga soo hor jeeda siyaasadda Farmaajo waxaana dhowr jeer ay ku celcelisay ineysan ogolaan doonin islamarkana ay xiriirka u jari doonaan Farmaajo hadii uu ku adkeysto Labada sano ee uu ku darsaday.

Dhanka kale DF Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka qabta in ay weyso dowladaha UK iyo USA islamarkana xiriirka loo jaro maadama ay ka hor imaadeen baaqyo kala duwan oo ka soo baxay.

Muqdisho-Somalia         

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.